U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaallamay Degmaada Jowhar

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaaliya ayaa saakay ku dagaallamay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamo la sheegay in dhanka Muqdisho ay ka baxeen ayaa isku dayey sida la sheegay in si xoog ah ku dhaafaan Koontaroolka laga galo degmada Jowhar.

Lama sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay, hase ahaatee ku dhowaad 20 daqiiqo ayaa halkaasi lagu dagaallamay.

Waa markii ugu horreysay oo iska horimaad ka dhaco degmada Jowhar tan iyo markii magaaladaasi uu ka furmay shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Saraakiisha ammaanka iyo sido kale maamulka gobolka Shabellaha Dhexe faah faahin kama aanay bixin dagaalkaasi, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidankii doonayey in awood ku galaan degmada Jowhar dib Loo eryey.

Goobjoog News