U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaallamay Degmada Wadajir, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada xasilinta caasimadda ay isku dayeen in ciidamo Milatari ah oo ku suganaa Isgoyska Xaawo Taako ee degmada Wadajir ay hubka ka dhigaan, hase ahaatee halkaasi is rasaaseyn ayaa ka bilaabatay.

sarkaal ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka xasilinta caasimadda, wallow khasaaraha uu intaan kabadan karo.

Weli waxaa la maqlayaa rasaas dhaceysay, iyadoo shacabkii ku dhowaa halkaasi ay goobta naftooda kala baxsadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News