U bood dhigaalka

Ciidamo Kala Taabacsan Mukhtaar Roobow Iyo Al-shabaab Oo Isku Horfadhiya Deegaanka Abal, Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya saakay oo Sabti ah deegaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay isku horfadhiyaan ciidamada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo sidoo kale kuwa Al-shabaab.

Duleedka deegaankan waxaa shalay mar kale ka dhacay dagaal culus oo Labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Saakay ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal, iyadoo laga baqayo in mar kale dhinacyadan ay dagaallamaan.

Ugu yaraan Shan qof ayaa ku geeriyootey dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Abal, waxaana uu bilowday kadib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaankaasi.

Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur wixii ka dambeeyay markii dowladda Maraykanka ay sheegtay in ay ka saartay liiska dadka la doon doonayo ee lacagaha la dul dhigay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News