U bood dhigaalka

Ciidamo Kenyan Ah Oo Qarax Lala Eegtay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ciidamo Kenyan ah lagula eegtay deegaanka Lafey oo ka tirsan degmada Mandhere ee gobolka NFD.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaaari dagaal oo ay la socdeen ciidamadan, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacantay Afar Askari oo Kenyan ah, iyadoo uu burburay gaarigii ay miinada la kacday.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana ay tilmaameen iney dileen ciidamo badan oo Kenya ah.

Saraakiil u hadashay Kenya ayaa iyaguna dhankooda sheegay in qaraxan oo ciidankooda lala eegtay gabaldhacii shalay uu geystay un khasaare dhaawac ah.

Goobjoog News