U bood dhigaalka

Ciidamo Ku Dagaalamay Gudaha Garoonka Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Israsaaseyn xoogan oo u dhaxeysay ciidan hubeysan oo  ayaa maanta ka dhacday gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee  xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Israsaaseyntan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidanka Jubbaland ay isku dayeen inay baaraan Boorsooyinka uu watay C/naasir Seeraar, balse arrintaasi waxaa ka soo hor jeestay ilaaladiisa C/naasir Seeraar oo ah mid ka mid ah murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Iska hor imaadkan ayaa geystay khaqaare waxaana  ku dhaawacmay Labo askari oo ilaalada C/naasir Seeraar  ka tisana halka wararka qaarna ay sheegayaan in dhaawacu uu garayo ilaa iyo sedex askari.

C/naasir Seeraar oo ka mid ah Musharaxiinta Jubbaland ayaa horey u soo noqday Afhayeenka Maamulka Jubbaland, waxaana hada uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Musharax C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay tacadiga maanta dhacay inay kula xisaabtamayaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in weli ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa labada dhinac, lagana cabsi qabo in dagaal uu dhaco.

Goobjoog News