U bood dhigaalka

Ciidamo Ku Dagaallamay Degmada Kaaraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Hal qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo.

Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News