U bood dhigaalka

Ciidamo Milatari ah oo Lagu Soo Daadiyay Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamo la sheegay in ay ku labisan yihiin dharka Milatariga ciidamadda dowladda federalka ah ayaa waxaa lagu arkayaa caawa waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku hubaysay gadiid iyo hubka nuucyadiisa.

Ciidamada ayaa waxaa lagu arkay isgoysyada Sanco, Afarta jardiino iyo goy qaybo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Wadajir, Lama oga sababta ka dambayso ciidamada caawa lasoo dhoobay wadooyinka qaar ee caasimadda.

Magalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa hadal hayn badan ka noqotay hadal ay baahisay hey’adda NISA oo ay ku sheegtay shirqool lala damacsan yahay Rooble iyo Farmaajo,  Al-shabaab ayaa iska fogeeyeen arrintaas.

Goobjoog