U bood dhigaalka

Ciidamo Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Goofgaduud, Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay fariisimo ka sameysteen deegaankaasi, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay maamulayeen ciidamada Al-shabaab.

Wariyaheenna gobolka Baay, Aadan Geesey, ayaa soo sheegaya in ciidamada Al-shabaab ay gelinkii dambe ee shalay ay faarujiyeen deegaankaasi, islamarkaana halkaasi ay la wareegeen ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan kuwa K/galbeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo badan ka sameystay deegaanka Goofgaduud, waxaana sidoo kale ay ka sameeyeen howlgallo aan cidna lagu qaban.

Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen deegaanka Googfaduud bartamihii bishan, waxay ku qabsadeen halkaasi, inkastoo shalay ay Goofgaduud isaga baxeen.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxa wargelin la’aan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin, hadana markii ay doonaan dib ayeey ugu soo laabtaan.

Deegaanka Goofgaduud ayaa qiyaastii dhanka Koonfureed wuxuu 30-KM ka xigaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News