U bood dhigaalka

Ciidan Ka Tirsan Dowladda iyo Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Cadaado

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal caawa ciidamo ka tirsan Nisa iyo maleeshiyaad ku dhexmaray magaalada Cadado ee gobolka Galduud, waxaana lasoo sheegayaa khasaare ka dhashay israsaaseyntooda.

Sida Goobjoog News uu u xaqiijiyey qof ku sugan Cadaado dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo maleeshiyo beeleed ah ay weerareen fariisin ay ciidamada Nisa ku la haayeen, waxaana jira deganaan aan cago ku taagneyn. ,

Inta la xaqiijiyey labo qof oo mid kamid uu yahay maleeshiyadii dagaalka soo qaaday iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana jira is aruursi ay wadaan labada dhinac sida ay sheegayaan wararka wararkii ugu dambeeyey,

 ka Lasoco Goobjoog  Newswixii  kasoo  kordha