U bood dhigaalka

CIIDAN KA TIRSAN UGANDA OO SOOMAALIYA ISKU-DILAY.

Sheeko:Dalka

Kampala- Ciidanka Uganda ayaa baaraya sababta keentay in askari ka tirsan ciidanka Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu u dilay sarkaal ka mida ciidanka AMISOM  ka hor inta uusan isagu isdilin.

Warar laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu aad uga xanaajiyey sarkaalka la dilay waxaana sidoo kale rasaastaas ay dishay afar askari guud ahaan maalintii sababtida.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa sheegay in laba askari oo kaliya ay dhinteen baareyaashuna ay ka shaqeynayaan sababta keentay in askarigani uu dilka geysto.

“Sababta wali lama oga. Waxaan dooneynnaa inaan ogaanno haddii uu waalnaa iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Brig Karemire shalay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday saldhig weyn oo hawlgalka midowga Africa ku leeyihiin Soomaaliya iyadoo ciidanka Uganda ee Soomaaliya jooga ay yihiin kuwa ugu badan ee ciidankooda u soo diray Soomaaliya.

Dalka ay kasoo jeedaan saraakiisha dhimatay wali lama shaacin. Toogashada ka dhex-dhacda ciidamada Uganda (UPDF) ayaan caadi ahayn marka ay hawlgal u joogaan meel ka baxsan dalkooda.