U bood dhigaalka

Ciidanka Ammaanka Oo Degmada Dharkeynleey ku Soo Bandhigay Burcad

Sheeko:Amniga

Ciidanka ammaanka ayaa Maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix nin oo Burcad ah, kuwaas oo dadka rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray.

Raggan oo markii lasoo qabanayay ku hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadda ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

“Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata shacabka loo gudbinayo maxkamadda ciidanka si aan shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri guddoomiye  Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon.

Goobjoog News