U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska Somaliland oo Heegan Buuxa La Galiyay

Sheeko:Dalka

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland  Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay heegan la geliyay dhammaan ciidanka Booliska Somaliland, kaas oo lagu dardargelinayo ammaanka caasimada Hargeysa.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in heegankani  qayb ka yahay shaqada ay bulshada u hayaan oo ay rabaan iney ammaanka sii dardar galiyaan;  “wax saa’id ahi ma jiraan, laakiin waxa weeye hawlaha qaranka iyo bulshada ee aanu u igmannahay, waxaana noo caaddo ah in hawlgallada aanu mararka qaarkood xoojinno, hadday tahay dhalinyaradii, iyo cid kasta oo nabadgalyada khalkhal gelinaysa iyo haday yihiinba baabuurta qaarkood oo habeenkii lambarada laga furo.”.

Dhinaca kale afhayeenka ciidanka Booliska Feysal Xiis oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka nabadgalyada waddooyinka ayaa isna dhinaciisa ka hadlay gaadiid taarigada laga furo oo isaga u kala goosha guud ahaan Somaliland, waaxaana farriintiisan dhinaca ammaanka ah ku soconeysay baabuurta yaryar ee tukaan ahaanta loo isticmaalo, “Waa hawlgal ammaanka gobollada dalka oo dhan lagu xoojinayo, gaar ahaan caasimadda; Baabuurta yaryar ee habeenkii magaaladda dhex socda waxaan leeyahay wixii bilaa lambar ah waa la qabanayaa, wixii nabadgalyada halis ku ahna waa la qabanayaa, baabuurta yaryar ee la yidhaa Fitz-ta ee saqda dhexe habeenka socdana waa la qabanayaa.” Ayuu yiri afhayeenka booliska Feysal Xiis.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka Booliska Fadal ayaa shacabka ugu baaqay iney nabadgalyada adkaystaan, isla markaana meel looga soo wada jeedsto cid kasta oo nabadgalyada waxyeeleynaysa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada