U bood dhigaalka

Ciidanka Cirka Oo u Dabaaldegaya 59 Sano Guuradoodii Kasoo Wareegtay Aas-aaskooda

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegan tahay 14 February, ciidanka cirka ayaa u dabaaldegaya 59 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aaskooda.

Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan oo sanad walbo loo dabaaldego.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka isaga oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo maadaama dhowaan kusoo biireen dhallinyaro fir-fircoon.

“Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo  u dabaal degaya Sanadguurada 59Aad ee Aaskooda” ayuu yiri taliyaha.

Taliska ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid awood xooggan leh, balse burburkii kadib weli waxaa lagu howlan yahay tayeenta ciidankaasi.

Goobjoog News