U bood dhigaalka

Ciidanka Danab Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Guutada 16aad ee kumaandoosta Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa la wareegay deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Shabellaha Hoose.

Meelaha ciidanka ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabad diidka.

Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaan howl-gallada inta Al-shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin, wararkan sheegaya in ciidanka DFS ay la wareegeen deegaanno ay maamuli jireen, sidoo kalena looga diley dagaalyahanno dhowr ah.

Goobjoog News