U bood dhigaalka

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay Maandooriye iyo Rag Watay

Sheeko:Amniga

Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo  howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay koonfurta gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay waxyaabaha maanka dooriya Ragii watay, kuwaas oo doonayay in ay soo galiyaan gudaha magaalooyinka gobolka si loogu iibiyo.

Howlgalkan ayaa waxaa uu si gaar ah ka dhacay Deegaano hoos yimaada Degmada Wisil, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in maandooriyaashaan amniga lagu qalqal galin rabay, waxaana warbaahinta loosoo bandhigay maandooriyaha oo u badnaa Khamriga.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay Howlgaladaan ka dhanka ah oo lagula dagaalamayo waxa maanka dooriya ay sii wadi doonaan, ciidanka ayaa Ragga gacanta ay ku dhigeen waxaa ay ahaayeen sedex ragg ah, kuwaas oo waday waxyaabaha maanka dooriya ee Khamriga.

Ciidanka amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhowr jeer sidaan oo kale howlgallo ay ka sameeyeen gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka gacansanayay, ciidanka ayaa dhowr jeer goob fagaaro ah ku gubay Khamri fara badan.

Goobjoog News