U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus uu deegaanka Hosingow ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka iyo dagaalyahannada ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi, balse waxa ay la kulmeen iska caabin xooggan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee maamulka deegaanka Hosingow ayaa sheegay in halkaasi lagu diley xubno kamid ah Al-shabaab.

Cabdi Macalin Maxamed oo kamid ah maamulka deegaanka Hosingow ayaa u sheegay warbaahinta ku hadashay afka dowladda in ay dileen xubno badan oo Al-shabaab ah.

Al-shabaab dhankooda ma aanay ka hadlin dagaalkan iyo waxa ka jira in weerarkii ay qaadeen looga diley dagaalyahanno dhowr ah.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News