U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Iyo Kuwa Jubbaland Oo Al-shabaab Ka Qabsaday Deegaanno Ka Tirsan J/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxay kula wareegeen deegaanno markii hore Al-shabaab maamuli jireen.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xogga dalka, waxay ciidankan la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay dagaal kala kulmeen Al-shabaab.

Idiris Kuusow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in meelaha ay la wareegeen ka mid tahay deegaannada Araare iyo Maleeley, waxaana muddo ku sugnaa halkaasi ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib markii ay damceen iney dagaal kaga horyimaadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Kuusow ayaa dhanka kale sheegay in ciidanku ay soo qabteen 10 ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab, islamarkaana baaritaanno dheeraad ah lagu wado.

Ururka Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadal howlgalkan looga qabsaday deegaannada ka tirsan Jubbada Hoose.

Goobjoog News