U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Iyo Kuwo Ajaaniib Ah Oo Howlgal Ka Fuliyey Deegaanno Al-shabaab Ka Joogeen Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo ajaaniib ah ayaa xalay waxa ay howlgal ka fuliyeen deegaannada Mubaarak iyo Daaru-salaam ee gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaannadan waxaa ku sugnaa dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana la sheegay in markii hore ay halkaasi duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal, kadibna ay galeen ciidankan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in weerarkaasi lagu diley in ka badan 10 ka mid ah ciidamada Al-shabaab.

Ma jirto faah faahin kale oo weerarkaan laga helay, hase ahaatee sanadkan 2019-ka ciidanka DFS iyo kuwa Maraykanka ayaa xoojiyey howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News