U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoostaga Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Gedo waxay Al-shabaab kaga saareen deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in howlgalkan oo socday Saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen deegaannada kala ah Raydab iyo Daar Macallin oo Al-shabaab ku sugnaayeen.

Maxamed-weli C/laahi Xersi oo ah abaanduulaha ururka 49-aad, guutada 1-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in cabasho uga timid shacabka ku dhaqan deegaannadaasi ay keentay iney ku baxaan.

Wuxuu tilmaamay in Al-shabaab ay dadka xoog uga qaadanayeen xoolahooda, iyaguna ay ku baxeen, sidaasina kula wareegeen deegaannadan.

Abaanduulahan ayaa sheegay in howlgallada sidan oo kale ah sii socon doonaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in khasaare xooggan soo gaarsiiyeen Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal deegaannadan lagala wareegay iyo khasaaraha la sheegay in lasoo gaarsiiyey.

Goobjoog News