U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada Kaxda Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey, waxaana horkacayey mas’uuliyiin sare oo maamulka gobolka Banaadir ah.

Ulajeedka howlgalkaan ayaa ahaa sidii loo sugi lahaa meelaha laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayeen gaadiidka iyo sidoo kale dadweynaha.

Lama soo sheegin weli cid ay ciidanka DFS ku qabteen howlgalkaan, hase ahaatee ciidanka DFS ayaa wadey howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey.

Goobjoog News