U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Danab ee xoogga dalka ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Si gaar ah, ciidamadan ayaa la sheegay in beeraha ku yaalla Jannaale ay galeen, kadibna kasoo qabteen 12 qof oo ka shaqeynayey beerahaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanku ay sii daayeen 2 ka mid ah dadkaasi, balse 10-kii kale aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Dadka ay ciidanku xireen waxaa ku jira dad waayeello ah, lamana oga halka ay ciidanku dadkan geeyeen iyo sidoo kale waxa ay ku eedeynayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News