U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Howlgal Miino Baaris Ah Ka Sameeyey Awdheegle, Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgal miino baaris ah ka sameyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay shalay la wareegeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in waddooynka ka baxa degmadaasi laga saaray miinooyin badan oo ay Al-shabaab ku aaseen.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ciidanku ay ku faafeen deegaanna ku dhow degmadaasi, amnigana uu yahay mid wanaagsan.

Degmada Awdheegle oo ay ciidanka dowladda federaalka la wareegeen ayaa muhiim u ah isku socodka deegaanno badan oo gobolka Shabellaha Hoose ah.

Ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shaaab, iyaga oo doonaya iney ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News