U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Ka Mid Ah Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay saakay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Ciidamada ayaa baaraya dhammaan guryaha ku yaalla deegaannadaasi, iyadoo dhanka kalena ay ku socdaan deegaanno kale oo gobolka Hiiraan ah,  islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab.

Jeneraal Saalax Yacquub, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa warbaahinta u sheegay in deegaannada ay la wareegeen dhammaantood ay nabad tahay.

Waxa uu sheegay iney wadaan sidii loo kordhin lahaa howlgallada ammaanka lagu sugayo.

“Ammaanka waa uu wanaagsan  yahay, waxaana wadnaa qorsheyaal amni xaqiijin ah, howlgallada waa ay socdaan, nabad diidkana waa laga saarayaa meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan” ayuu yiri abaanduule Saalax.

Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa Labadii cisho ee ugu dambeysay waxay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Goobjoog News