U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Howlgallo Ka Wada Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose saakay oo Khamiis ah, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanno  kale oo deegaankaasi hoostaga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka ay ku faafeen deegaannadan, kadib markii shalay iyo xalay halkaasi ciidanka DFS lagula eegtay qaraxyo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan oo aynu xiriir la sameennay waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahiyaan howlgallada ay wadaan, welina lama oga in ay dad kusoo qabteen iyo in kale.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada dalka ee amni darrada ay ka jirto, waxaana ka dagaallama deegaanno ka mid ah gobolkaasi Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News