U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Hub Ka Qabsaday Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi.

Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda, waxay ciidanka xoogga dalka Al-shabaab ka qabsadeen hub badan, kadib 9-kii bishan ay ciidanka weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Qoryooley.

Hubkan ayaa la sheegay in Al-shabaab ay dhigteen guri ku yaalla xaafaddaasi, islamarkaana uu dhowr nuuc isugu jiro.

Sidoo kale, lama sheegin in howlgalkan ay ciidanka DFS ku qabsadeen hubka sidoo kale ay dad kusoo qabteen iyo in kale.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal wararkan sheegaya in hub ay lahaayeen lagu qabtay degmada Qoryooley ee Sh/hoose.

Goobjoog News