U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay kala dhexgaleen maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay gobolkaasi.

Ciidankan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Korneyl Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere), ayaa kala dhexgalay maleeshiyaadkan oo ku dagaallamay deegaannada Mirxeyley & Bangeelle oo Galgaduud ka tirsan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto waan waan lagu qaboojinayo xiisado halkaasi ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Waxgaradka beelihii dagaallamay ayaa lagu wadaa in la isku keeno si xal looga gaaro wixii dhacay, sidoo kalena laga wada shaqeeyo nabadda.

Goobjoog News