U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Mar Kale Xiray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood

Sheeko:Amniga

Gadiidka dadweynaha iyo gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amaraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse aaney mari karaan wadadaan.

Sidoo kale, ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoyska Dabka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Buundooyinka ee raba wadada Makka Al-mukarrama.

Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu kasoo gudbi karin isgoysyada aan soo sheegnay.

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo.

Xirnaashaha saakay ee waddooyinka qaar ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar.

Goobjoog News