U bood dhigaalka

Ciidanka DFS Oo Qabtay Shaqsi Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Howlgal ay Ciidamada DFS fuliyeen 5-tii bishan April ayaa lagu soo qabtay shaqsi ka mid ahaa Al-shabaab ,kaas oo la sheegay inuu u qaabilsanaa ururkaasi ku xirista walxaha qarxa ee gaadiidka.

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah, waa sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada shaqsigan oo aan magaciisa iyo degmada laga nqabtay la sheegin..

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada DFS ay magaalada Muqdisho ka wadaan howlgallo la sheegay in lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Goobjoog News