U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Iyo AMISOM Oo Howlgal Ka Fuliyay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa howlgal qaatay dhowr saacad maanta ka fuliyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo xooggiisa ka dhacay dhanka galbeed ee Baladweyne ayaa yimid markii tiro hoobiyeyaal ah lagu soo weeraray xaafadda Howlwadaag oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Ciidamada ayaa la arkayay iyadoo waddooyinka waa weyn ee xaafadahaasi baaritaanno ka wada islamarkaana dadka qaar su’aalo amniga la xiriira weydiinaya.

Taliyaha booliska dowladda degmada Baladweyne Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta kula hadlay halkii uu ka dhacay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay ku guuleysteen howlgalkooda.

“Ciidamad Dowladda Millateri iyo Boolis waxay ilaalinayaan ammaanka magaalada waxaana ciidanku ay ku baxeen waxa weeye dibadda oo ay cadowga deggan yihiin, iyagu waxay ka ahayd oo kaliya Madaafiic ayaa lagu tuuray Baladweyne oo kaliya ma ahan kuwa meel lagu beegsanayay” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Baladweyne.

Duhurnimadii maanta oo ay ciidanku soo gebagebeeyeen howlgalka Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne ayaa sheegay in howlgallada ammaanka lagu sugayo ay sii socon doonaan.

Xalay ayay ahayd markii dhowr madfac lagu soo tuuray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taasoo qalqal gelisay dadka shacabka ah ee magaaladaasi ku nool.

Goobjoog News