Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo tagaeero ka helaya xoogagga deegaanka ayaa saakaAl-shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.
Ciidanka huwanta ah ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno dhaca waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib howlgal si wadajir ah ay u qadeen ciidamada.
Magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad ayaa si buuxda u soo galay gacanta dowladda , waxaana ciidanku hadda ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada labada magaalo ee lala wareegay.
Ciidamada la wareegay magaalooyinka Bacaadweyne iyo Qeycad ayaa maalmihii dambe ku sugnaa deegaanka Laasgacameey, halkaas oo Jimcihii uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday madax federalka iyo Galmudug ah, kaas oo la fashiliyey.
Sidoo kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegaya in ay isku ballaariyeen dhulka u dhaxeeya deegaanka Qodqod iyo magaalada Camara ee Koonfurta gobolka, halkaas oo ayshalay ka dhaceen dagaal xooggan iyo duqeymo diyaaradeed.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay wadaan howlgallo, kuwaas ka socda deegaanka Ceellahelay oo uu ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo  Al-shabaab.
Sikastaba ha ahaatee howlgallada ka socda gobolka Mudug ayaa waxaa hoggaaminaya hoggaaminaya xildhibaanno ka tirsan federalka iyo kuwa Galmudug, waxaana maalmihii dambe Al-shabaab laga saaray deegaanno dhowr ah oo dhaca waqooyiga iyo Koonfurta gobolka Mudug.
Goobjoog News