U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Dib U Qabsaday Lambar Konton

Sheeko:Dalka

Maamulka Lambar Konton ayaa Sheegay Inay Dib U Qabsadeen Halkaas Kadib Markii Ay Shalay Ka Soo Baxeen.

Wararka ka imaanaya degaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid wanaagsan islamarkaana ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin degaankaasi.

Ciidamada dowladda ayaa xoogaa dibadda uga soo baxay Lambar Konton markii Alshabaab ay weerar ku ekeeyeen shalay halkaasi.

Guddoomiye xigeenka Lambar Konton Cali Nuur Axmed ayaa u sheegay Goobjoog News in maamulka dowladda ay u suurtagashay in dib uu u hanto magaalada Lambar Konton.

Wuxuu sheegay in xaaladdu tahay mid caadi ah oo wax dhib ah oo xagga amniga ah uusan ka jirin degaanka Lambar Konton.

Inkastoo ciidanka dowladda ay bannaanka uga soo baxeen intii uu weerarka socday haddana dadka degaanka waxay inoo sheegeen in Alshabaab aysan soo gelin degaanka.

Xaaladda degaanka Lambar Konton 24-kii ee la soo dhaafay kacsanaa waxaana caadiga hadda ku soo laabtay xaaladda.

Goobjoog News