U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad ururka 5-naad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxaani oo qayaasti 50 (KM)dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Ciidanka xoogga ayaa khasaaro u geystay dagaalamayaasha  Al-shabab oo iyagu muddo maamulayay qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose, waxaana la sheegay in howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay sii wadi doonaan inta Al shabaab ay ku suganyihiin deegaanadaasi sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee SONNA.

Dhanka kale bulshada deegaanadaasi ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidanka DANAB oo la wareegay gacan kuhaynta Cabdi Dhoore iyo beerxaani oo dhamaantood hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa siyaabooyin kala duwan waxa ay muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo uga sameynayeen deegaanno hoos yimaada gobalada Jubbooyinka oo deegaanno muhiim ah ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al shabaab.

Goobjoog News