U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyey B/weyne

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Goob jooge la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ay galayeen qaar ka mid ah guryaha ku yaalla magaaladaasi.

Waxaa jirta dad badan oo ay ciidanka kusoo qabteen howlgalkaan, kuwaa oo la geeyey saldhigga magaalada B/weyne.

“Ciidamada waxay howlgalladan ka sameeyeen xaafado dhowr ah, waxaa la soo qabtay dad u badan dhallinyaro oo la geeyey saldhigga” sidaasi waxaa inoo sheegay goob joogaha.

Saraakiisha ammaanka magaalada B/weyne weli kama aanay hadal howlgalka ay ka sameeyeen magaalada B/weyne.

Waxa uu howlgalkaan daba socdaa kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada B/weyne ka dhaceen falal wax u dhimaya amniga guud ee magaaladaasi.

Goobjoog News