U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda Oo Joojiyay Shir Ka Dhici Lahaa Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar ku qaadeen halkii uu ka socday shir la sheegay in maamul lagu sameeyay ay ishor istaag ku sameeyeen.

Ciidamada Millateriga dowladda ee Baladweyne ayaa hareerayay maqaayad ay shirarkani maalmahani ka dhacayeen oo ku taalla magaaladaasi waxaana siyaasiyiin iyo odayaal halkaa ku sugnaa lagu wargaliyay in wax shir ah aysan ku qaban Karin halkaasi.

Goobta waxa ku sugnaa siyaasiyiin iyo waxgarad kuwaas oo maalmahani ku shirayay Baladweyne, waxaana lagu wargaliyay in wax shir ah aan Baladweyne lagu qaban Karin.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa laga codsaday joojinta hadallo ay siin lahaayeen saxaafadda oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe balse ay iska fadhin karaan goobtooda.

Ciidamada millateriga dowladda ee Baladweyne ayaa tallaabadani ay qaadeen waxay ku soo aadeysaa iyadoo Baladweyne ay ka socdaan dadaallo ku aadan sidii magaaladaasi looga hirgalin lahaa maamul ka madaxbannaan kan Jowhar oo gebogebo maraya iminka.

Goobjoog News