U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Sheegay in Xubno Ka Tirsan Al Shabaab Ay Ku Dileen Qeybo Ka Mid Ah Hiiraan

Sheeko:Amniga

Howlgal ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda.

Taliyaha Ururka  41-aad, Guutada 5-aad , qaybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed , dhamme, Cabduqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay in howl-galkooda oo Lug ahaa ay kasoo billaabeen Buulo-burte.

Wuxuuna intaa ku daray in xilligii ay howl-galka ku jireen ay Al-Shabaab kasoo badbaadiyeen Saddex Gaari oo xamuul ahaa, iyagoo doonayay in ay dhac iyo dil u geystaan Shacabka rakaabka ah, sida uu hadalka u dhigay taliyaha ururka 41-aad ee guutada 5-aad qeybta 27-aad.

Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al shabaab kaasi oo ay uga hadlayaan warka ka soo baxaya ciidanka xoogga ee ku aaddan in dagaalamayaal kooxdooda ka tirsan lagu dilay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan.

Inta badan ciidanka dowladda iyo Al shabaab ayaa dagaallo kala duwan waxa ay ku galaan qeybo ka mid ah gobalada dalka iyaga oo dagaaladaasina ka kala sheegta guulo kala duwan.

Goobjoog News