U bood dhigaalka

Ciidanka Galmudug Oo Si Buuxda Ula Wareegay Degaanka Godinlabe Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaaladda degaankaasi ay tahay mid deggan islamarkaana ay ka soconayaan howlgallo ay sameynayaan ciidanka dowlad goboleedka Galmudug.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidankii Ahlu Sunna Waljamaaca ay isaga baxeen degaanka Godinlabe islamarkaana ay uga baxeen dhanka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada booliska Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay degaanka Godinlabe waxaana ku wehlinaya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa 21-aad ee gobolka Galgaduud.

“Walaal ciidanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa saaka soo galay degaanka Godinlabe oo xaaladdiisu ay degan tahay waxaana ciidankii Ahlu Sunna ay baxeen saakadii hore xilligii salaadda, dadkii shacabka ahaa intooda badan way isaga baxeen degaankan Godinlabe” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Ciidamada Galmudug ayaa fariisimo ka sameystay saldhigga booliska ee degaanka Godinlabe waxaana jira howlgallo ay magaalada ciidamada maamulka Galmudug ay ka wadaan.

Dadkii barakacay ee degaanka Godinlabe ayaa weli degaansanaya meelo ka baxsan degaankaasi kuwaasoo u barakacay markii dagaallada ay degaankaasi ka qarxeen.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa degaanka Godinlabe waxaa ku dagaallamayay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Goobjoog News