U bood dhigaalka

Ciidanka Israa’iil oo Duqeeyey Suuriya

Sheeko:Dalka

Waddanka Israa’iil ayaa weeraro cirka ah Sabtidii shalay ka sameeyey gudaha waddanka Suuriya. Goobaha ay duqayntani beegsanaysay, sida ay sheegtay dawladda Israa’iil waa fariisimo ay leeyihiin ciidanka Suuriya iyo weliba dhufaysyo Iiraan dalkaas ku leedahay.

Weerarkan iyo duqayntan ay samaysay dawladda Israa’iil ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu ciidanka Suuriya gantaallo la beegsaday diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 taasi oo keentay in diyaaraddaas dawladda Israa’iil leedahay ay dhulka ku soo dhacdo.

Duqaynta Israa’iil, sida laga soo xigtey Ciidanka Israa’iil, waxa ay weerartay 12 fariisin oo 8 ka mid ah ay leedahy Suuriya, 4 kalena Iiraan.

Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo masuuliyiin ka tirsan ciidanka waddankaas ayaa sababta duqayntan keentay ku sheegay gardarro kaga timi dhinaca Iiraan ka dib markii diyaarad ciidan oo Iiraan laga leeyahay ay ku soo xadgudubtey hawada Israa’iil, waxa ayna intaas ku dareen in Israa’iil ay xaq u leedahay difaaca dalkeeda.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, mudane Baxran Qaasimi, ayaa beeniyey warka ay sheegtay dawladda Israa’iil ee ah in diyaarad Iiraan leedahay ay ku xadgudubtey hawada Israa’iil. Waxa uu afhayeenku hoosta ka xarriiqay in Suuriya ay xaq u leedahay difaacidda madaxbannaanideeda, sidaasi darteedna ay ku saxnayd soo rididda diyaaradda Israa’iil ee dhulkeeda soo gashay.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa dhankeeda duqaynta Israa’iil ku tilmaamtay gardarro cad iyo daandaansi. Waxa kale oo ay dawladda Suuriya intaas ku dartay in haddii Israa’iil ay mar labaad ku kacdo duqayn noocan oo kale ay la kulmi doonto iska caabbin iyo jawaabcelin xooggan.

Dawladda Israa’iil ayaa beryahanba ka werwersanayd saamaynta Iiraan ee ku fidaysa gudaha Suuriya iyo guud ahaanba gobolka. Dawdaladda Israa’iil iyo kooxda Xisbullaah ee iyada taabacsaniba waxa ay milateri ahaan iyo siyaasad ahaanba u taageeraan xukuumadda Bashaar Al-asad oo uu dagaal dhinacyo badani ku socdo.

Si kastaba ha noqotee, xiisadda ka dhextaagan dalka Israa’iil iyo Suuriya ayaa laga werwersan yahay inay isku beddesho dagaal hor leh oo labada dhinac ka dhex qarxa.