U bood dhigaalka

Ciidanka Itoobiya Oo Xabsiga Kasii Daayay Taliyahii Dowladda Ee Saldhigga Degmada Baardheere

Sheeko:Dalka

Taliyihii dowladda u magacowday saldhigga degmada Baardheere ee gobalka Gedo oo muddo labo maalin ah u xirnaa ciidanka Itoobiya ayaa dib u helay xoriyaddiisa.

Taliyahan oo lagu magacaabo Korneel Cabdicasiis Sheekh Xasan Aftaag ayaa la xaqiijiyay in muddo Labo maalin u xirnaa ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Baardheere.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay xarigga taliyahani oo dhowaan saldhigga Booliska Baardheere ay dowladda Soomaaliya usoo magacowday.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa kale kama aysan hadlin xariggani iyo sababta sababta ka dambeysay.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan goballada Koonfureed iyo Bartamaha ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka soconaya.

Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa aad u hadalk haya xariga taliyahan, iyadoo la ogyahay in dhowr jeer sidaan oo kale ay ciidanka Itoobiya xabsiga u dhigeen saraakiil ciidan.

Goobjoog News