U bood dhigaalka

Ciidanka Kenya Oo Burburiyey Goobo Ay Leedahay Shirkadda Hormuud, Waa Gabboodfal Joogta Ah.

Sheeko:Dalka

Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay.

Waxaa sidoo kale waxyeello xooggan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa ka dhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada.

Ciidanka Kenya waxay Saldhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii la soo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddo usbuuc ah ay ciidanka Kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad.

Ujeeddada ay ciidanka Kenya ka leeyihiin burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka wada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.