U bood dhigaalka

Ciidanka Kenya Oo Faarujiyey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Gedo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kenya ayaa maanta waxa ay isaga baxeen deegaanka Busaar ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidankan ay aadeen dhanka degmada Ceel-waaq, waxaana halkaasi durba la wareegay ciidamada Al-shabaab oo deegaankaasi ka dhowaa,

Saraakiisha ciidamada Kenya weli kama aanay hadal sababta keentay in ay deegaankaasi isaga baxaan.

Ciidanka Kenya ayaa deegaankaasi la wareegay sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

2-dii bishan ayeey ahayd markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Fafax-dhuun ee gobolka Gedo.

Goobjoog News