U bood dhigaalka

Ciidanka Liyuu Booliis Oo Dad Iyo Gaadiid Ka Kaxaystay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay gobolka Hiiraan ka kaxeysteen dad rayid ah iyo sidoo kale gaadiid.

Sidey sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Xudey-Woogle oo qiyaastii 34-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada B/weyne, ayeey ciidankaan waxay ka wateen Lix qof, sidoo kalena waxay horey u wateen Lix gaari.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidankan ay gudaha gobolka Hiiran falkan ka sameeyaan.

Waxgaradka Hiiraan ayaa wada dedaallo ku addan sidii dib loogu soo celin lahaa dadkaasi la watay iyo sidoo kale gaadiidkan oo ay ku jiraan kuwo xamuulka qaada.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa watay sida la sheegay gaadiid dagaal oo ad u badan, mana jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay.

Mararka qaar sidan oo kale, ciidamada Liyuu Boolis ayaa weeraro ku qaada deegaanno ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

Goobjoog News