U bood dhigaalka

Ciidanka Liyuu Booliska Oo Tacadiyo Ka Gaystay Dhulka Soomaalida

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii uu xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa laga soo sheegayay deegaankaasi in ay jiraan qalalaase la xiriira isbeddelka socda, iyadoo ciidankii Liyuu booliska ee deegaanku ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysanayaan deegaannada qaar.

Wararka ay Goobjoog News helayso ayaa sheegaya in ciidankii Liyuu boolisku ay bilaabeen inay faarujiyaan dhammaan saldhigyadii ay horay ugu sugnaayeen, iyagoo bilaabay inay duurka galaan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay isku uruursadeen deegaanka Shillaabo oo ka tirsan gobolka Qorraxey oo ah deegaankii shidaalka laga helay.

Ciidanka Liyuu booliska ayaa gaadiid tiro badan oo kala duwan ka dhacay saldhigayadii iyo deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana ka mid ah goobaha ay dhaca iyo dhibaatada ka gaysteen deegaannada xuduudka ku teedsan ee Balli-gubadle, Farawayne iyo Wajaale.

Ciidanka Liyuu booliska ayaa waxay toogasho ku dhaawaceen (August 9) guddooomiye ku xigeenkii degmada Wajaale ee dhinaca Itoobiya Maxamed-Khadar.

Dhaawaca guddoomiye ku xigeenka ayaa yimid muran ka dhashay kadib markii guddoomiye ku-xigeenku uu ciidanka Liyuu booliska u sheegay in ay iska soo wareejiyaan furayaasha gaadiidka dawladda gaar ahaan Dab-demiska iyo Cagaf-cagafyada. Wixii intaas ka dambeeyay ciidnaka Liyuu booliska ayaa ka baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen degmada Wajaale iyagoo duurka galay, waxaana ay horey kasii qaateen qaar ka mid ah gaadiidkii dadweynaha oo uu ka mid yahay Dab-demiska degmada.

Sidoo kale, Magaalada xuduudka ku taalla ee Balli-gubadle ayaa laga soo sheegay in ay iskaga baxeen ciidanka Liyuu Boolisku saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen iyagoo halkaasi kasii qaatay gaadiidkii degmadu ay lahayd.

Degmada Dhagax-buur ayaa iyaduna ka mid ah meelaha ay dhibaatada ka gaysteen ciidanka Liyuu Booliska, waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi uu dagaal ku dhex maray ciidanka liyuu booliska iyo dadka shaabka ah.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo tiro badan oo ku weeda Millatariga ah gaysay xuduudka ay la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana dadka deegaannada xuduudka ku sugan ay soo sheegayaan in ay arkeen ciidanka Millatariga Somaliland oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in ay adkaysay xuduudka ay la wadaagto Itoobiya.

Goobjoog News