U bood dhigaalka

Ciidanka Mareykanka oo Joojiyay Adeegsiga Drones-kii Ugu Isticmaalka Badnaa

Saraakiisha Sare ee Ciidanka Mareykanka ayaa soo saaray amar lagu joojinayo Saraakiisha adeegisga diyaaradaha Drones-ka ah ee loo adeegsado howlgallada gaarka ah ee ciidamada oo ay sameyso shirkadda SZ DJI Technology Co Ltd ee dalka Shiinaha, doldaloolo  amni oo ay yeelatay darteed.

Digreeto kasoo baxday mas’uuliyiinta ugu sarsarreysa ee ciidanka 2 August 2017 oo lagu faafiyay warbaahinta wakaaladda wararka ee Reuters ay xaqiijisay ayaa lagu sheegay in amarka lagu joojiyay shaqada Drones-ka uu yahay mid ku kooban nooca diyaaradaha shirka Chinese-ka ah oo qura iyo iyadoo noca Drones-kan uu ahaa kan ugu isticaalka badan dhanka howlgallada ciidanka.

Shirkadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney aad uga niyad jabtay go’aanka oo ay ku tilmaantay mid hal dhinac  ah oo aan lagala tashan isla markaana aan loo sheegin halka goldalooladu ka jiro si laysla arko loona xalliyo.

Shirkadda ayaa intaa sii raacisay in ciidamada ay la xiriiri doonto si ay u ogaato halka mushkiladdu ka jirto ee dhanka qalabka shirkadda ah.

waxayna sheegtay iney diyaar u tahay sidii wasaaradda difaaca Mareykanak ee Pentagon ay meesha uga saari lahayd cabsida wasaaraddu ay qabto Drones-ka meeshan looga saari lahaa.