U bood dhigaalka

Ciidanka NISA Ee Galmudug Iyo Malleeshiyo Ku Dagaallamaya Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu ka socdo iska hor imaad dagaal.

Iska hor-imaadkani ayaa ka socda degaanka Godinlabe gaar ahaan dhanka koonfureed bar ciidan oo ku taalla.

Dadka degaanka oo mar ay la hadashay Goobjoog News waxay xaqiijiyeen in iska hor-imaadka uu soconayo islamarkaana shacabka ay baqdin muujinayaan.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac lamana hubo inta uu la eg yahay, mar aynu saraakiisha la xiriirnay Galmudug waa ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan.

Ciidamada Galmudug ee NISA ayaa horey sidan oo kale ula dagaallamay isbaarooyin la dhigtay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Faahfaahin dheeraad ah dib kala soco

Goobjoog News