Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay magaalada Camaara ee Koonfurta gobalka Mudug.
Ciidanka la wareegay magaalada ayaa sedex jiho ka weeraray waxaana isaga baxay Al-shabaabkii ku sugna, sida uu sheegat xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.
Magaaladaan ayaa marin muhiim ah u isku socodka gobolka, waxaana sidoo kale xildhibaan Saabir uu sheegay in lagu dhow yahay in Al-shabaab laga saaro Galmudug.
Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada gobolka Mudug, waxaana xisidmudan in ay la wareegeen deegaanno dhowr ah.
Goobjoog News