U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Biyo Dhaamin Ka Bilaabay Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay biyo dhaamin ka sameeyeen deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Biyahan ayaa loo qeybiyey boqolaal qoys oo halkaasi biyo la’aan ku haysay, waxaana xilliga dadkaan biyaha la siinayey ay aad ugu baahnaayeen biyo ay cabaan.

C/fitaax C/laahi Ibraahim oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamada ay diyaar u yihiin iney caawiyaan dadkooda.

Waxa uu tilmaamay in mar walbo ay sidan oo kale biyo ugu qeybin doonaan dadka abaartu saameysay ee ku sugan deegaannada ku dhow magaalada Baydhabo.

Dadka maanta iyaguna biyo dhaaminta loo sameeyey ayaa sheegay in muddo Saddex maalin ah ay harraadsanaayeen, iyaga oo u mahadceliyey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxay dadkaan ku baaqeen in cid walbo oo Soomaaliyeed ay ku deysadaan ciidamada xoogga dalka ee biyo dhaaminta ka bilaabay gobolka Baay.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News