U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhaq-dhaqaaqyo Ka Wada Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Maxamuud Maxamed Aadan, taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, kana howlgala deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta wuxuu faah faahin ka bixiyey howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Sh/dhexe.

Waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada Mahadaay iyo deegaannada ku dhow, oo mararka qaar Al-shabaab weerar kusoo qaadi jireen.

Taliyaha ayaa tilmaamay in deegaanka Fiidow ee Sh/dhexe ay ciidanka xoogga dalka Fariisimo ka sameysan doonaan, halkaasi oo looga sii ruqaansan doono deegaanno kale oo Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Waajibka ku xiga howshaan waa in Buulo-burde la aado, waxaan fulineynaa ammar nagaga yimid madaxweynaha dowladda Federaalka, islamarkaana dib loogu laaban doono dhammaan meelihii ay ciidamada kasoo baxeen” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidanka xoogga dalka yaa maalmahan dambe waday howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo mararka qaar isku dhacyo kala kulma Al-shabaab.

Goobjoog News