U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Furaya Waddooyin u Xiran Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay howlgallo ballaaran oo maalmahan dambe ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha guutada Shanaad ee ciidanka xoogga dalka, Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in ciidanka ay fureen waddooyin badan oo u xirnaa Al-shabaab, kadib howlgalkoodii kasoo bilowday magaalada B/weyne.

Waxa uu taliyaha sheegay in sidoo kale ay dhowaan furi doonaan waddooyin kale oo Al-shabaab u xiran, kana mid ah gobolka Hiiraan.

Meelaha ay howlgallada ka fuliyeen ayuu sheegay taliyaha in amni ahaan aad u wanaagsan tahay.

“Amniga aad ayuu u wanaagsan tahay, ciidanku waxay cagta mariyeen meello badan oo Al-shabaab maamulayeen, waxay furi doonaan waddooyinka kale ee nabad diidka u xiran” ayuu yiri taliyaha.

Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMIOSM ayaa howlgal ballaaran waxay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Goobjoog News