U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kala Qaaday Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Guutada 52-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay ku guuleysteen kala qaadista malleeshiyo beeleed dhowaan ku dagaallamay gobolka Hiiraan.

Dagaalka beeleedka oo ka soconayay degaanka Banyaaleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka millateriga Jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen kadib ay ku guuleysteen inay kala qaadaan malleeshiyaadkii degaankaasi isku horfadhiyay.

Xaaladda ayuu ku sheegay inay tahay mid deggan oo degaanka hadda ay ku wada sugan yihiin waxgarad Labada beel ah si ay uga wada hadlaan wixii dhacay iyo nabadda degaanka.

“Ciidanka xoogga dalka wuxuu ku guuleystay inuu kala qaadi maleeshiyaadkii ku dagaallamay Banayaaley, waxaa goobta ku sugan waxgradkii Labad dhinac oo ka wada hadli doona wixii dhacay, xaaladuna waa mid deggan” ayuu yiri taliyaha.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay dagaalka Banyaaley, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, walow hadda waxgaradka Labada dhinac ay bilaabeen iney k wada hadlaan wixii dhexmaray Labada beel.

Goobjoog News