U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaanno Ay Maamuli Jireen Al-shabaab, Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose waxa ay kula wareegeen deegaanno ay maamuli jireen Al-shabaab.

Korneyl Maxamed Cabdullaahi Caraalle, Taliyaha ururka 35-aad Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanku la wareegeen deegaannada kala ah Leego, Yaaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow.

Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab halkaasi dagaal uu ku dhexmaray, ayna dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab dhankood wax war ah kama aanay soo saarin deegaannada la sheegay in laga saaray iyo sidoo kale xubnahana halkaasi looga dilay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmahan dambe waxa ay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News